Dowladda Federaalka Soomaaliya oo goor dhawayd ka hadashay Geerida   Taliyihii Ciidamada Kenya oo galabta ku geeriyooday shil diyaaradeed oo ka dhacay dalkaas.

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya  ayaa tacsi u dirtay Wasaaradda Gaashaandhigga Kenya, Ciidanka Difaaca Kenya, Dowladda iyo Shacabkeeda, kadib geeridii ku timid Taliyihii Ciidanka Difaaca Kenya Lt. General Francis Ogolla.

Taliyaha ayaa saaraa diyaarad milateri oo nooca qumaatiga u kaca ah, taas oo ku bur-burtay hawada dalka Kenya, wax yar uun kadib markii ay kacday.

Sidoo kale 8 qof oo saraakiil iyo askar isugu jirtay ayaa Taliyaha kula geeriyootay shilkaas, diyaaradda ayaa ku bur-burtay galbeedka dalka Kenya.

Taliyaha ayaa isbitaal loo qaaday isagoo dhaawacmay daran qaba, balse wax yar kadib waa uu geeriyooday, sida ay tebisay warbaahinta dalka Kenya.

Afhayeen u hadlay dowladda Kenya ayaa uga baaqay dadka Kenyanka ah in ay is dajiyaan, islamarkaana ay ka fogaadaan warrarka kutiri kunteenka ah, isagoo isku dayey inuu qariyo xaqiiqada geerida Taliyaha.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Leave a Reply