Wararka ka imaanaya Itoobiya ayaa sheegaya in in dekedda Lamu ee dalka Kenya ay kala soo degto bacrimiska dalagga Dowlada Itobiya taas oo qayb ka ah dadaalka ay ku doonayso in ay ku ballaadhiso dekedaha ay wax kala soo degayso ee ka baxsan Jabuuti, oo inta badan ay Itoobiya kalsoo degto shixnadaheeda.
Wafdi ka socda Itoobiya ayaa kormeer shaqo ku tagay dekadaha Lamu iyo Mombasa, waxaana ay rejo ka qabaan in ay heshiis la galaan dawladda Kenya.
Wasiiru dowlaha Wasaaradda Gaadiidka iyo Saadka ee Itoobiya Denge Boru ayaa yiri: “Weftigu waxay soo booqdeen xaaladda dekedda iyo waddooyinka ilaa Mooyaale, si ay u eegeeen in ay ku habboon tahay hawlgalka iyo in kale.”
Sidoo kale Wasiiru dowlaha Wasaaradda Gaadiidka iyo Saadka ee Itoobiya ayaa sheegay in loo baahan doonaa in la dhammaystiro ka hor inta aan adeegga laga bilaabin Lamu sharciyada looga baahan yahay in ay saxiixaan labada dal..
Sababo la xiriira dhinaca ammaanka badda cas awgood, shixnadaha Itoobiya waxaa hadda lagasoo dajiyaa dekadda Mombasa iyadoo ay jiraan caqabado ka duwaya Jabuuti.
Si kastaba ha ahaatee falanqeeyaasha ayaa sheegaya in ay Itoobiya ka laaban karto haddii ay xamili kari waydo culayska diblomaasiyadeed ee uga imanaya dalalka uu ka mid yahay Maraykanka oo isagu sheegay in uu xushmaynayo wadajirka iyo madaxbannaanida dhuleed ee Soomaaliya.
.
Xafiiska wararka Muqdisho