Dadaallada Kenya ee ka dhanka ah Al Shabaab ayaa ah mid miro dhal ah, waxaana ay heshay aqoonsi caalami ah.
Dhimashada argagixisanimada ee loo aaneynayo kooxda fadhigeedu yahay Soomaaliya ayaa hoos uga dhacday 800 sanadkii 2022 ilaa 499 sanadkii 2023, hoos u dhac ku dhow 38 boqolkiiba.
Dhimashadan, 86 boqolkiiba waxay ka dhaceen gudaha Soomaaliya, halka 14 boqolkiiba soo hartayna ay ka dhaceen Kenya.
Sidoo kale Al-Shabaab ayaa mas’uul ka ahaa 70 dhimasho oo ka dhacay Kenya sanadkii 2023, waana dhimashadii ugu badnayd tan iyo 2019-kii.
Xafiiska Wararka Muqdisho