Kadin ansixintii Dastuurka ee maanta waxaa qaylo dhaan xoogleh ka soo baxaya  koox siyaasiyiin ah o0o rabay in aan la ansixin Dastuurka.

Dr Ibraahim Ibraahim Bilaal oo ka mid ah siyaasiinta KGS ayaa shaaca ka qaaday caawa in Guddoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya Aadan Madoobe uu qiyaanay dadka & Dadka Soomaaliyeed .

Waxa uu sheegay Dr Bilaal inuu lumiyay Aadan Madoobe qoondadii Digil & Mirifle ay ku lahaayeen awood qaybsiga dalka , maadama uu si qiyaano ah ku meel mariyay wax ka bedelka Dastuurka KMG oo muran uu ka taagan yahay.

” Isaga iyo shan kale oo digil iyo mirifle ayaa aasay , Digil & Mirifle la isagama hari doono qiyaanada ay sameeyeen ” ayuu sheegay Dr Maxamed Ibraahim Bilaal.

Sidoo kale Waxa uu intaas raaciyay Dr Bilaal in Ramadaan ka dib ay isugu imaan doonaan kulamo wadatashi ah oo looga hadlayo aayaha digil & Mirifle ee uu godka ku riday Aadan Madoobe .

Xafiiska Wararka Muqdisho

Leave a Reply