September 9, 2024

Wararka ka imaanaya Magaalada Hargaysa ayaa sheegaya in Faananada  Ugbaad Maxamuud Cabdi (Ugbaad Aragsan) oo Talaadadii lagu xiray magaalada Hargeysa ay  cuntada ka soontay ka dib markii booliska Somaliland ay u diideen inay ehelkeeda soo booqdaan.

Ugbaad ayaa la xaqiijiyay in lagu hayo saldhigga dhexe ee magaalada Hargeysa.

Xubno ka tirsan qoyska ayaa sheegay in tan iyo Arbacadii lagu hayey cadaadis adag, loona diiday in dadka qoyskeeda ah ay soo arkaan. Waxayna taasi sababtay inay cuntada diido.

Sharci yaqaannada ayaa xaqiijiyay inaanay weli jirin wax eedeyn ah oo lagu soo oogay rasmi ahaan.

Hase yeeshee, war qoraal ah oo booliska Somaliland ay ku qoreen bartooda Facebook ayay ku sheegeen Talaadadii inay xireen Ugbaad Maxamuud Cabdi, oo ay ku eedeeyeen inay “dhawaanahan baraha bulshada ku faafinaasay dhaqamo xunxun kuwaasi oo kasoo horjeeda Diinteenna suubban iyo dhaqankeenna wanaagsan.”

Waxaa jirtay in Ugbaad oo ah gabar da’ yar oo fankeeda ku muujisa dareenka dadweynaha ay soo bandhigtay hees qoob ka cayaar ah oo ay ereyadeeda ku jireen ‘badda ha iibin, Lafta Nagaa hanoo dhiibin” taasoo loo maleynayo in maamulka Somaliland ay dhibsadeen.

U dhaqdhaqaaqayaasha bulshada ayaa walaac ka muujinaya heerka sii xumaanaya ee xaaladda xorriyadda dadweynaha iyo cabbirka aragtida xorta ee gudaha Somaliland.

Xarigga iyo weerarka lagu qaado saxafiyiinta, siyaasiyiinta wax dhaliila iyo xitaa dadka baraha bulshada ku naqdiya maamulka Somaliland ayaa had iyo jeer la xiraa. Waxaana jira siyaasiyiin iyo saxafiyiin fara badan oo Somaliland isaga tagay cadaadiska awgiis.

 

Xafiiska Wararka Muqdisho

Leave a Reply