Faransiiska ayaa ka shaqeyn doona qaraar cusub oo Qaramada Midoobay oo ku baaqaya xabbad-joojin laga sameeyo Qasa, ayuu yiri madaxweyne Emmanuel Macron.
Isagoo ka hadlayay dhamaadka shir madaxeedka Midowga Yurub ee Brussels, Macron wuxuu sheegay in Faransiisku uu dib u bilaabi doono “ka shaqaynta qaraar qabyo qoraal oo Faransiisku soo jeediyo ee Golaha Ammaanka oo uu kala shaqeynayo saaxiibadeena Mareykanka, Yurub iyo Carabta si loo gaaro heshiis”.
“Golaha ammaanku waa inuu ku baaqaa xabbad joojin degdeg ah iyo gargaar bani’aadanimo,” ayuu raaciyay.
Hadalkiisa ayaa daba socday cod loo qaaday qaraar uu soo diyaariyay Mareykanka kaasoo ay qaadaceen Ruushka iyo Shiinaha.
Xafiiska Wararka Muqdisho