Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa maanta ka bilaabatay dhageysiga dacwadda culus ee loo haysto Sayid Cali Macallin Daa’uud oo ku eedeysay inuu si arxan darro ah u gubay xaaskiisii Luul Cabdicasiis.
Dhageysiga maxkamadda ayaa waxaa si toos ah loo gala socday warbaahinta, maadaama uu kiiskan yahay mid xasaasi ah oo xanuun badan ku reebay dadka Soomaaliyeed.
Sidoo kale waxaa maxkamadda goobjoog ahaa ehellada labada dhinac, dadweyne, qareeno iyo xeer ilaalinta guud ee qaranka.
.
Farxiyo Cabdirisaaq oo kamid ah carruurta, isla markaana jirto 10 sano ayaa si dareen leh uga hadashay dilka hooyadeed, ayada oo ilmaynaysa waxayna sheegtay inay aragtay Hooyadeed oo gubanaysa.
“Waxaan arkay hooyo oo banaanka ku holceyso waa Naxay, waxaa noo yimid ninkii gubay isaga oo dhacdhacayo, hooyo inta aysan dhiman waxa ay nagu tiri i cafiya hadii aan dhinto” ayay tiri Farxiyo oo kamid ah carruurta marxuumad Luul Cabdicasiis Maxamed.
Sidoo kale waxa ay hadalkeeda dareenka leh oo dad badan xanuunjiyay sii raacisay “Waxaan arkay hooyo oo qaylineyso marka aan daaqadda soo istaagay”
Xafiiska Wararka Muqdisho