October 10, 2024

 

Inka badan 400 oo carruur agoon ah oo ka mid ah kuwa Aabayaashood ay ku shahiideen dagaalka dalka looga xoreynayo khawaarijta Arxanka daran ee Al-shabaab ayaa maanta munaasabad lagu ciidsiinayo laga daahfuray magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug

Munaasabada Daahfurka ciidsiinta Carruurta Shuhadada ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan kuwa dowlad gobaleedyada Galmudug, Puntland iyo  Waalidiin.

Carruurta Agoonta ah ee lagu wado la ciidsiiyo ayaa ku kala sugan dagmooyinka iyo deegaanada Hobyo  Wisil, Xero dhagaxleey Gawaan Dowgaab Bajeela  Dhuure iyo Bitaale kuwaas oo dhamaan ay ka dhici doonaan munaasabadaha Ciidsiinta Agoonta Abaayashood naftooda u hureen ciribtirka Khawaarijta

Munaasabada Ciidsiinta ayaa waxaa isku xilqaamay dhallinyarada Gobalka Mudug kuwaas oo hormuud u ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gargaarka Dowlad Gobaleedka Galmudug Samafale Maxamed Cabdullaahi Cali.

Talaabadaan ayaa noqaneysa tii u horeeysay ee lagu farax galinayo Agoonta Aabayaashood u shahiideen Difaaca dalkooda iyo Dadkooda.

 

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Leave a Reply