Wararka ka imaanaya magaalada Hargasa ee maamulka Somaliland ayaa sheegaya in Golaha Guurtida ee Somaliland  uu goor dhawayd  ansixiyay Xeerarka doorashooyinka ee muddada soo jiitamayay.

Labada xeer ee doorashada jamhuuriyadda madax bannaanideeda ku dhaqaaqday ee Somaliland ayuu mudda dheer muran ka taagnaa.

Sidoo kale Wararka ayaa sheegaya in Lix iyo lixdan xildhibaan oo fadhiga ku sugna ayaa u codeeyay meel marinta xeerarkan halka mid ka mid ah uu diiday mana jirin wax ka aamusay, waxaana lagu wadaa in loogu gogol xaadhayo doorashada la filayo in ay dhacdo saddex iyo tobanka Nofembar ee sannadkan.

Office Nairobi Kenya

Leave a Reply