Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika oo maanta shir ka yeeshay khilaafka Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in uu goluhu ilaalinayo midnimda iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya iyo dalalka kale ee xubnaha ka ah.
”Goluhu, isagoo raacaya qodobka 4-aad ee xeerka dastuuriga ah ee Midowga Afrika iyo qodobka 4-aad ee hab-maamuuska ee ku saabsan Dhismaha Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika, iyo sidoo kale Axdiga Qaramada Midoobay, waxuu si aan leexleexad lahayn u xaqiijiyey go’aankiisa adag iyo taageerada uu ku ilaalinayso midnimada, wadajirka dhuleed, gobanimada iyo madax-bannaanida dhammaan dawladaha xubnaha ka ah, oo ay ku jiraan Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka Itoobiya iyo Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka ka soo baxay shirkaas.
.
Golaha ayaa ugu baaqay in dhinacyada shisheeye ay ka dhowrsadaan in ay farageliyaan arrinta si aan xaaladda looga sii darin.
Golaha ayaa ka codsaday Guddoomiyaha Komishanka Midowga Afrika ”in uu si degdeg ah u hawlgeliyo Ururka Sare ee Midowga Afrika Wakiilkiisa Geeska Afrika, Olusegun Obasanjo, Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Federaalka Nigeria, si loo kobciyo wada-hadallada u dhexeeya labada waddan iyo in golaha la siiyo warar joogta ah oo ku saabsan arrinkan” .
Tan ayaa kuso aadeysa iyada oo berri loo ballansan yahay kulana ay arrinkan ka yeelanayaan dalalka xubnaha ka ah urur goboleedka IGAD oo ay diideen in ay kasoo qayb galaan Itoobiya iyo Sudan.
Office Nairobi Kenya