Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa dalka dib ugu soo laabtay kadib safar caafimaad iyo mid shaqo oo uu ku tegay Wadamada Jarmalka iyo Turkiga.
Guddoomiyaha waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho ku soo dhoweeyay qaar ka mid ah Senatorrada Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS.
Sidoo kale Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa dalka ka maqnaa usbuucyadii la soo dhaafay, waxa uuna caafimaad u jiraysida la sheegay dalka Jarmalka.
Xafiiska Wararka muqdisho