December 4, 2024

 

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Khasaaraha ka dhashay dab saakay ka kacay Suuqa bakaaraha abbaarihii 7-dii subaxnimo saakay.

 

Dabkan oo ka billowday qaybta bagaashka lagu iibiyo ee u dhexeysa Dahablaha iyo Khaliifa ayaa si dakhso leh ugu faafay isagoo dhul baaxad leh, halkaas oo ay ku hanti beeleen dad u badan ganacsatada dharka iyo kabaha iibiya.

Illa hadda lama shaacin sababta ka dambeysey dabkan oo ah kii labaad oo ka kaca suuqa ugu weyn dalka muddo bil gudaheed ah. Laakiin sida uu qabo Xasan Xoogsade oo ah Guddoomiyaha Guddiga Ganacsatda suuqa Bakaaraha, waxaa jira gaabis dhanka dowladda.

Guddoomiye Xoogsade oo la hadlay BBC ayaa eedda dusha ka saaray Dowladda Hoose, gaar ahaan maamulka degmada suuqu ku yaal oo ka gaabiyey fulinta siyaasado wax ka taraya bedqabka suuqa.

Sidoo kale Dabka saaka ka kacay Bakaaraha ayaa ku soo aaday xilli suuqa uu ka jiro mashquul ka dhashay dadweyne badan oo munaasibadda Ciidda darteed illaa habeenkii saqdhexe halkaas ka dukaameystaan.

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

 

Leave a Reply