Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kulan ku saabsan sugida Amniga Caasimadda Saraakiisha kala gedisan ee Laamaha Amniga.
Kulankaan oo uu goobjoog ka ahaa Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/guuto Sulub Axmed Firin ayaa waxa uu Duqa Magaalada Muqdisho kula dar-daarmay Saraakiisha Laamaha amniga in dadaalo badan la geliyo Sugida Amniga Caasimadda si Bulshada ay maalmaha farxada Ciidul Fidriga jawi nabdoon ugu ciidaan.
Sidoo kale Maalmihii u dambeeyay ciidamada dowladda ayaa xoojiyay amniga caasimadda, si looga hortego weerarka Al-Shabaab iyo falalka kale ee waxyeeleynaya nabad-gelyada Muqdisho.
Xafiiska wararka Muqdisho