December 4, 2024

 

\Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuurf (Madoobe) ayaa booqday Isbitaalka Erdogan oo ay ku jiraan dhaawacyada dadkii ku waxyeeloobay qaraxii bahalnimada ahaa ee kooxda Khawaariijta ah ay ku soo qaadeen Hotel SYL ee magalada Muqdisho.

Guddoomiye Sheekh Aadan ayaa mid mid u dul istaagay dhaawacyada, isagoo Alle uga baryay inuu caafimaad deg deg ah siiyo, Guddoomiyaha ayaa xusay dhaawacyada aadka u daran in loo qaadi doono dalka dibadiisa si halkaasi loogu soo dabiibo.

Sidoo kale Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha baarlamaanka ayaa tagay ispitaalkaas, waxayna dadkii ku dhawacmay alle uga baryeen caafimaad taam ahg.

 

Xafiiska Wararka Muqdisho

Leave a Reply