Wararka ka imaanaya Xafiiska Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa sheegaya in xafiiskiisa uu ku qaabilay Safiirka dalka Sweden u fadhiya Soomaaliya Ambassador Joachim Waern.
Guddoomiye Sheekh Aadan iyo danjiraha ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee labada dal, doorka Dowladda Swedish-ka kaga jirto gaarsiinta maashaariicda horumarineed ee dalka laga fuliyay,
Sidoo kale Danjiraha ayaa xusay in dowladda Sweden taagereyso howlaha hortabinta leh ee horyaala Golaha Shacabka.
Xafiiska Wararka Muqdisho