Wararka ka imanaya Dakedda Muqdisho ayaa sheegaya in Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA Maxamuud Macallim Cabdulle uu la wareegay Mucaawino ka timid Dalka Ruushka.
Xafladaan oo ka dhacday Dakedda Muqdisho waxay ahayd mcaawino dowladda Ruushka ugu deeqday Soomaaliya, waxaana la Wareegay Dowlada Somaliya.
Gargaarkan ayaa noqonaya kii labaad ee ka yimaada Ruushka ee la keeno Soomaaliya, waxana uu garayaa 25,000 kun oo Qamadi ah.
Sidoo kale Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa ka mahadceliyey gargaarkaan, isaga oo sheegay in Gargaarkaan dadkii mudnaa ay garsiin donaan si lamid ah sidii gargarakii hore loo gaarsiiyey.
Office Nairobi kenyya