Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka, Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa maanta guddoomiyey shirka joogtada ah ee hay’adda SoDMA, kaas oo diiradda lagu saaray u diyaar garowga roobka Guga (Gu’) iyo u toog-heynta halista beni’aadannimo ee ka dhalan karta fatahaado ka dhasha roobabka.
Kulanka waxaa si weyn loogu gorfeeyay sida ay muhiim u tahay u diyaar garowga roobka Guga (Gu’) iyada oo waxyaalo badan laga bartay xili roobaadkii la soo dhaafay sanadkii 2023 ee fatahaadda #ElNiño, sidoo kale kulan ka ayaa looga hadlay dardargalinta shaqada hay’adda iyo dhameeystirka mashaariicda socota.
Kulanka joogtada ah ayaa waxaa ka soo qeyb-galay madaxda kala duwan ee hay’adda sida Guddoomiye ku xigeenka hay’adda, agaasimayaasha waaxyaha kala duwan iyo la-taliyayaasha
Xafiiska Wararka Muqdisho