March 25, 2025

Wararka ka imaanaya dalka Kenya ayaa sheegaya in Guddoomiyaha hay’adda qaxootiga iyo barakacayaasha Qaranka Safiyo Xasan Maxamed ay magaalada Nairobi uga qeyb gashay shir caalami ah oo ku saabsan horumarinta jawiga maalgashiga iyo xoojinta dhaqaalaha qaxootiga ee soo laabtay.

 

Kulankan ayaa sidoo kale waxaa diiradda lagu saarayay horumarinta barakacayaasha iyo bulshooyinka martida loo yahay.

Sidoo kale Shirka ayaa waxaa ka qayb galay hay’adaha caalamiga iyo kuwa heer gobol ee daneeya arrimaha qaxootiga, dadka soo laabtay iyo barakacayaasha.

 

Office Nairobi Kenya

Leave a Reply