Kulan ballaaran oo ay soo qabanqaabiyeen Jaaliyadda Soomaaliyeed Uk oo lagu qabtay koofurta magaalada London kaas oo lagu soo dhaweynayay Guddoomiyaha hay’adda SoDMA
Kulankaan oo ahaa mid si wayn loo soo agaasimay ayaa jaaliyadda UK waxay uga dhageesteen Guddoomiyaha hay’adda SoDMA Xaalada Dalka.
Max’ed Cumar Macallin “Wayaaka” oo isna ah Xoghayaha arrimaha dibedda ee hey’adda SoDMA ayaa isna ku bogaadiyay dadaalka jaaliyadda ay ku dooneyso in ay dadkooda la qeybsadaan dhibaatada.
Sidoo kale Guddoomiye Max’ud Macallin ayaa ku dheeraaday dhibaatooyinka ay wajahayaan shacbiga Soomaaliyeed wuxuu kula dardaarmay in ay ay gacan ka geystaan dadaallada lagu badbaadinayo dadka ay saameynta ku yeelatay dhibaatada ka taagan dalkeenna.
Xafiiska Wararka Muqdisho .