Guddoomiyaha cusub ee maxkamadda sare ee Soomaaliya Baashe Yuusuf Axmed ayaa kulan la qaatay Wafdi ka socday wasaaradda Cadaaladda dalka Turkiga isla markaana uu hoggaaminayay Wasiir ku xigeenka Wasaaraddaasi Niyazi Acar ayaa waxaa uu ka dhacay xarunta Maxkamadda sare ee dalka waxaana ka qeygalay guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed, Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr Suleymaan Maxamed Maxamuud, Taliyaha Hey’adda Dambi Baarista Iyo CID iyo xogahayaha Joogtada ee wasaaradda Cadaaladda Arrimaha Dastuurka.

 

Kulanka, ayaa loogga hadlay xoojinta xiriirka labada wadan, iyo iskaashiga horumarinta adeega cadaaladdeed ee Garsoorka, waxaana dhinacyadu ay isla gorfeeyeen waxyaabaha ay ka wada shaqeyn karaan gaar ahaan isku xirka Garsoorka Soomaaliya iyo Turkey ga.

Guddoomiye Baashe, ayaa dawladda Turkey ga uga mahadceliyey taageeraddooda walaaltinimo ee ay la garab taagan yihiin Soomaaliya, isaga oo tilmaamay in Soomaaliya iyo Turkey ga uu ka dhaxeeyo xariir walaaltinimo oo aad u qoto dheer.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr Suleymaan Maxamed Maxamuud ayaa wafdiga uga warbixiyay sida ay u shaqeeyaan Hey’adaha garsoorka dalka asaga oo xusay in ahmiyad gaar ah ay siinayaan wada shaqeynta iyo xiriirka wadashaqeyneeyd.

Wafdiga uu Hoggaaminayo wasiir ku xigeenka Cadaaladda Dalka Niyazi ACAR ayaa Booqasho Rasmi ah maanta dalka ku yimid kadib Markii uu Casuumad Rasmi ah ka helay wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Soomaaliya.

Xafiiska wararka muqdisho

 

Leave a Reply