Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta xafiiskiisa Villa Hargeysa ku qaabilay danjiraha dowladda Qatar u fadhiya Soomaaliya Amb. Dr. Abdalla bin Salim Al Nuceymi.
Kulanka Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan iyo danjiraha ayaa looga hadlay xiriirka labada baarlamaan iyo wada-shaqeyntooda, sida lagu yiri bayaan kasoo baxay xafiiska Guddoonka Golaha Shacabka.
Sidoo kale waxaa looga hadlay sidii dowladda aan walaalaha nahay ee Qatar ay kaalin uga qaadan laheyd aqoon kororsiga Xildhibaanada iyo howl-wadeennada Golaha Shacabka.
Sidoo kale waxaa uu guddoomiyuhu xusay in dowladda iyo shacabka Qatar ay kaalin weyn ka soo qaateen dib u dhiska dalka, xilli ay dhawaan labada dhinac heshiis is-afgarad ku kala saxiixdeen magaalada Dooxa ee caasimada dalkaasi.
Xafiiska Wararka Muqdisho