January 14, 2025

 

Wararka ka imaanaya Safaraadda Dwladda Imaaraatka Carabta ee Muqdisho  ayaa sheegaya in  Guddoomiye Ku-xigeenka kowaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar ay  booqatay Safaraadda Dwladda Imaaraatka Carabta ee Muqdisho, waxayna kulan la qaadatay  Safiirka u fadhiya dalka Somaliya  Imaaraatka Carabta Amb.Axmed Jumca Al-Rumeysi.

 

Guddoomiye Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar ayaa Danjiraha Dalka Imaaraadka Carabta uga tacsiyadeeysay  saraakiishii ku geeriyootay weerarkii argagixisanimo ee 10- febraayo 2024 kadhacay Xerada Gen.Gordan ayagoona dalkeenna u joogay ineey gacan ka geystaan dib u dhiska Ciidamada Qalabka-sida,

Sidoo kale  Guddoomiyaha iyo safiirka ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada Baarlamaan Soomaaliya iyo Imaaraatka Carabta.

 

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Leave a Reply