April 28, 2025

 

Guddoomiye Ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka BJFS  Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa ka qeybgalay shirka 148-aad ee Baarlamaannada Adduunka “Inter-Parlaimentary Union”  waxaana qeyb ka ah Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka JFS iyo sidoo kale Lateliyaha Gudoomiyaha arimaha haweenka iyo xaquuqul insaanka Hanifa Mohamed Ibrahim

Shirka ayaa maanta daarnaa dood ku saabsan dulucda Diblomaasiyadda Baarlamaanka: dhisidda buundooyinka nabadda iyo isfahamka

Shirirkaan isdaba jooga ah oo uu  Guddoomiye Ku-Xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka BJFS Cabdullaahi Cumar Abshirow  kaga qeebgalayo magaalada Geneva ee dalka Switzerland ayaa lafilayaa in uu qudbad dheer ka hor jeediyo ka soo qeyb galayaasha gabagabada shirka 148-aad ee Ururka Baarlamaannada Adduunka “Inter-Parlaimentary Union” .

Wafdiga uu hogaaminayo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullahi Cumar Abshirow oo ka qeyb galaya shirka 148-aad ee Midowga Baarlamaanada Adduunka waxaa qeeb ka ah Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka BJFS Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle Jaabiri iyo Xoghayaha Guud ee Aqalka Sare Mudane Cabdinaasir Ibraahim Guuleed.

 

Xafiiska Wararka Muqdisho

Leave a Reply