October 5, 2024

Wararka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Gudoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka  Maxamuud Macallim Cabdulle uu  xarunta dhexe ee SoDMA kulan kula qaatay Madaxa Hay’adda UN OCHA ee Soomaaliya.

 

Kulanka ayaa labada dhinac waxa ay uga wada hadleen in la xaqiijiyo in aysan dalka ka dhicin in la lunsado Gargaarka Beni’aadannimada lana tababaro dadka ka shaqeeya Kaamamka Barakacayaasha, daahfurka qorshaha Beni’aadannimada Soomaaliya oo dhawaan Muqdisho laga daahfuri dono.

Sidoo kale qodobada laga wada hadlay waxaa kamid ah In la helo Ciidamo Dowladda ah oo taageera samafalayaasha markii ATMIS dalka ka baxdo.

Office Nairobi Kenya

Leave a Reply