September 18, 2024

 

Wararka ka imaanaya Degmada Dayniile  ayaa sheegaya in Ciidamada Degmadaas ay ku raad joogan gacan ku dhiigle dilay laba qof.

Gudoomiye Kuuxigeenka Amniga Degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho Cali Cabdi Faarax oo weriyayaasha la hadlayay ayaa sheegay in ciidamada amaanku ay baadi goobayaan nin ku eedeysan dilka labo qof oo ehel ahaa oo saaka lagu dilay degmada.

Sidoo kale Gudoomiyaha ayaa sheegay in ay ku raad joogaan eedeysanaha, isla markaana ay ku rajo weyn yihiin in gacanta lagu soo dhigo,l ana horgeeyo caddaaladda.

.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Leave a Reply