Haweeneyda Wasiirka Arrimaha Dibadda Dalka Jarmalka ka ah Annalena Baerbock oo gaartay Magaalada Tel Aviv ayaa safarkeeda ku sheegtay in uu xambaarsan yahay dhowr ujeeddo sida la kulanka Qoysaska dadkooda gacanta Xamaas ku jira.
Annalena oo la hadashay Warbaahinta ayaa sheegtay in Dowladda Jarmalka ay doonayso Bariga oo dhexe oo nabad ah oo xasiloon isla markaana ka joogsato colaadda ka jirta tan iyo 7dii Oktoobar 2023 oo dagaallada xooggooda billowday.
Qoraal ay kusoo qortay barteeda Twitter-ka X Haweeneyda lagu magacaabo Annalena Baerbock ayay ku sheegtay in ay la kulmayso Madaxweynaha Israaiil, Wasiirka Arrimaha Dibadda & xubno kale oo ay kamid yihiin qoyska dadka la haysta.
“Hadalkeenna Bariga Dhexe waa Magaalada Gaza oo xasilooni hesho, Xamaas oo hubka dhigto, Xisbullaahi & Xuutiyiinta oo joojiya weerarrada ka dhanka ah Israaiil” Wasiirka Arrimaha Dibadda Jarmalka Annalena Baerbock.
Dalka waxa uu kamid yahay Dalalka dhinac taagan Israaiil kuwaas oo taageera ciidan, mid afka ah & ka dhiidhinta dhibaatooyinka loo gaysto Yuhuudda waana tan keentay in Mas’uuliyiinta Berlin ay kordhiyaan safarkooda Tel Aviv.
Xigasho
Office Nairobi kenya