February 15, 2025

 

Ganacsade ka soo jeeda Somaliland oo jooga magaalada Hargeysa ayaa fariin uu ku faafiyey baraha bulshada ku eedeeyey dowlada Somalia iney hawada hargeysa ka celisay dayuurad ambalaas ah oo qaadi laheyd walaalkiis oo madaxu dhiig kaga furmay si loogu qaado magaalada Addis ababa.

Ismail Ahmed oo ah gudoomiyaha shirkadda ka shaqeysa xawaaladaha Onlineka ah ee WorldRemit in talaabadan ay ka baxsan tahay bani aadamnimada.

Ganacsadahan ayaa mudooyinkan baraha bulshada ka fidinayey dacaayado ka dhan ah dowlada Somalia, isagoo taageeraya heshiiska qeyb ka mid ah badda Somaliland lagu siinayo Itoobiya.

Sidoo kale Hase ahaatee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa sheegtay ineysan jirin dayuurad ambalaas ah oo maanta la soo xiriirtay ama laga celiyey hawada Somalia.

Office Nairobi Kenya

Leave a Reply