September 12, 2024

Hay’adda duulista rayidka Soomaaliyeed ayaa war kasoo saartay qal qalka kajira hawada Soomaaliya, kadib markii diyaarado badan oo isticmaalaayay hawada Soomaaliya lagu qal qal galiyay.

Warsaxaa-fadeed ay soo saartay hay’adda duulista rayidka Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in diyaaradaha isticmaala hawada Soomaaliya ay badqabkooda gacanta kuheyso, waxa ayna fariin udirtay shacabka Soomaaliyeed iyo shirkadaha duulimaadyada.

Warsaxaa-fadeedkan ayaa yimid kadib markii ay labo diyaaradood ay kusigteen in ay shil kugalaan hawada Soomaaliya, iyadoona taas lagu sheegay in labadaas diyaaradood lagu hagay labo cabir oo isku mid ah amaro khaldana lakala siiyay, diyaardahaasi aay waxaa lasheegay in ay kala ahaayeen Ethiopian Airlines iyo Qatar Airways.

Sidoo kale Diyaaradahan ayaa markoodii hore kasoo kala duulay magaalooyinka Doha iyo Addis Ababa waxa ayna kula kala jeedeen Uganda iyo Dubai, iyagoona khatar halis badan kugalay hawada gobolada Waqooyi.

Diyaaradahan oo ku kala socday labo qad ayaa la isku hagay, waxaana la isugu keenay hal qad si ay isugu dhacaan, balse waxay ku kala badbaadeen daqiiqado aad u yar.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Leave a Reply