October 10, 2024

Maamulka Somaliland ee Hargaysa ayaa mar kale sheegay inay isku dhici gaareen labo diyaaradood oo laga kala leeyahay Itoobiya iyo Imaaraatka.

Hay’adda ayaa sheegtay in xalay saqdii dhexe diyaarad ay leedahay shirkadda Emirate Airways iyo tan diyaaradda Ethiopian Airlines ay ku sugteen inay isku dhacaan, iyadoo hay’addu ay kontaroolka Muqdisho ku eedeysay inay xog khaldan siiyeen.

“Diyaaradaha ayaa ku sigtay in ay isku dhacaan, ka dib markii Muqdisho Control ay labaddan diyaaradood siiyeen joog wakhti iyo goob isku mid ah oo ay labadda diyarood ku kulmayeen.” Ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Sidoo kale Ma aha markii ugu horreysay ee diyaarado dulmaraya hawada Soomaaliya ay ku sigtaan inay isku dhacaan.

 24-kii February ayay ahayd  markii Somaliland ay sheegtay in labo diyaaradood oo caalami ah ay ‘ku sigteen inay isku dhacaan’ xilli ay dulmarayeen hawada Soomaaliya, kadib markii xog iska soo horjeedda laga siiyay Muqdisho iyo Hargeysa, eedeyntan oo dowladda Soomaaliya ay beenisay.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Leave a Reply