Wararka ka imaanaya degmooyinka Deyniile iyo Boondheere ee gobolka Banaadir saakay ayaa sheegaya in Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA, ay maanta ka gaarsiiyay gargaar caawinaad ah 5,000 qoys oo ku nool degmooyinka Deyniile iyo Boondheere ee gobolka Banaadir
Wararka ayaa sheegaya in gargaarkan laga qaybiyay degmooyinka Deyniile iyo Boondheere ee gobolka Banaadir, ay kala ahaayeen 3,000 oo qoys waxaa gargarkaan loogu qeybiyey degmada Deyniile, halka 2,000 oo qoys oo kalana gargaarkaan loogu qaybiyey degmada Boondheere.
Sidoo kale Qoysas ka kooban danyar, naafo barakacyaal, iyo dad waayeelo ah ayaa gargaarkaan ka faa’iideeystay, iyaga oo u mahadnaqay Hay’adda SoDMA oo gargaarkaan soo gaarsiisay.
Dadkaan dantayar ayaa maalmihii u danbeeyay wajahayey Xaalad adag oo dhanka nolasha ah, iyadoo hay’adda SoDMA ay ka jawaabtay xaalada qoysaskaan.
Xafiiska Wararka Muqdisho