Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA, ayaa Shixnad gargaar ah oo gaaraysa 4,000 oo tan u dirtay dowlad goboleedka Jubbaland, waxaana doonidaan sidda gargaarkaan lagu wadaa in ay ku xirato Dakedda Magaalada Kismaayo.
Gargaarkaan oo Dakadda Muqdisho uu ka sagootiyey Guddoomiye ku-xigeenka Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Dr Axmed Cabdi Aadan, waxaa ku wehliyey Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gargaarka maamulka Jubbaland Maxamed Cismaan Jaamac iyo Agaasimaha waaxda gargaarka SoDMA Sahra Cali Yuusuf.
Gargaarkaan, ayaa hore waxaa dalkeena ugu deeqay Dowladdaha Ruushka iyo Sacuudiga, waxaana hay’adda mar walba ka go’an caawinta iyo u gargaarida bulshada Soomaaliyed meel walba oo ay dalka ka jogaan, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gargaarka Jubbaland, ayaa ballanqaaday in Gargaarkaan dadkii mudnaa ay gaarsiin donaan.
.
Xafiiska Wararka Muqdisho