Usbuucyo kadib Warbaahinta dowladda Soomaaliya oo xalay baahisay Markii ugu horaysay muuqaal ay duubeen kaamirooyinka ku xiran wadooyinka Muqdisho, kaas oo lagu soo bandhigayo sii uu u dhacay weerarkii Hotel SYL.
Muuqaalkaan oo hordhac ah ayaa la balamiyey in habeen dambe oo Khamiis ah la baahi doono, waxaana ka soo muuqanaya xubno loo qabtay weerarkaas oo qiranaya inay fududeeyeen.
Labo gaari oo nooca raaxada ah ayaa lagu geystay weerarkaas, waxaana gaadiidka la arkaya markii ay dhaafayaan isgoysyada Tarbuunka, Shaqaalaha, Dabka, Sayid ilaa Hotelka SYL oo labada gaari ay ku qarxeen.
Sidoo kale Ragga weerarka fuliyey ee toos u dagaalamay oo afar nin ahaa ayaa gaariga ka raacay banaanka hore ee masjidka Isbaheysiga Islaamka, waxayna raacayaan gaariga dambe, iyagoo dagaal ku galay Hotelka, markii uu qarxay gaarigii hore.
Intaas oo dhan muuqaalka ayaa laga dhex arkayaa, balse waa hordhac muuqaalka ay xalay baahisay warbaahinta dowladda Soomaaliya, waxaana isagoo dhameystiran la sheegay in la baahi doono habeenka Khamiista ah.
Xafiiska wararka Muqdisho