Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya, NISA, ayaa baahisay magacyada lix sarkaal oo ay sheegtay in ay ka tirsanaayeen ururka Al-Shabaab oo Axaddii lagu dilay weerar xagga cirka ah oo ka dhacay galbeedka Gobolka Hiiraan.

Ragga ay magacyadooda ay baahisay NISA ayaa waxa ka mid ah kuwa ka shaqayn jiray ururinta canshuuraha Al-Shabaab ee gobollada dhexe ee Soomaaliya. Waxaana ka mid ah Cismaan Cali Cabdi Caanooy oo ahaa madaxii canshuuraha degmada Jalalaqsi, Buulle Kabey oo ahaa madaxii gaadiidka ee Shabeellaha Dhexe, Maxamed Abuukar oo isna ahaa madaxii canshuuraha deegaanka Ceel-Cali iyo saddex xubnood oo kale

Weerarka ayaa dhacay xilli habeen ahaa markaas oo labo gaari oo ay wateen Al-shabaab lagu dhuftay labo gantaal oo laga soo riday diyaaradaha aan duuliyaha laheyn sida ay u sheegeen BBC-da dadka deegaanka.

Sidoo kale Al-shabaab weli kama hadal weerarka oo ka mid ahaa weeraro isxigxigay oo dhawaan lagu qaaday Al-shabaab oo ka kala dhacay Galhareeri, Buq-aqable iyo meelo kale

 

Office Nairobi Kenya

Leave a Reply