September 12, 2024

Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa arbacadii cod aqlabiyad ah ku ansixiyey heshiis ay dowladda Soomaaliya la gashay dhiggeeda dalka Turkiga, kaas oo ku saabsan iskaashiga dhinaca difaaca iyo dhaqaalaha ah.

Waxaa ka horreeyay heshiis is afgarad oo ay jamhuuriyadda iskeed madax bannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland la gashay Itoobiya kaas oo lagu kala saxiixday magaalada Addis Ababa ee Caasimadda Itoobiya, 1 Janaayo.

Waxaa uu ku saleysnaa in Itoobiya ay dhul badeed hesho iyo in saldhig ciidan ay ka dhisan doonto dhulka Somaliland, waxaase ka biyo diidday dowladda Soomaaliya oo sheegtay in dhulka ay Itoobiya dooneyso uu ka mid yahay dhulkeeda.

Sidoo kale Heshiiskaas oo muran badan dhaliyay ayaa Somaliland waxa ay ku adkeysatay in wax waliba oo dhulkeeda ah ay u madax bannaan tahay ayna mas,uul ka tahay, isla markaana aysan cidna kala tashan doonin.

BBC

Xafiiska Wararka muqdisho

 

Leave a Reply