Hogaamiyaha militariga Sudan, General Abdel Fattah al-Burhan, ayaa sheegay in kaliya uu tixgelin doono soo jeedinta Midowga Afrika ee ah in colaadda lagu dhameeyo wadahadal nabadeed haddii Midowga Afrika uu dib u soo celiyo xubinnimadiisa oo buuxda.
Ururka Midowga Afrika ayaa hakiyay xubinimada Suudaan ka dib markii militariga uu la wareegay talada Oktoobar 2021.
Maalintii Axadda General al-Burhan ayaa la kulmay saraakiil sare oo ka tirsan Midowga Afrika kuwaas oo la doonayo in ay dabada ka riixaan in dib loogu soo celiyo nidaamka dastuuriga ah iyo soo afjarida dagaalka billowday bishii Abriil ee la soo dhaafay
Xafiiska Wararka Muqdisho