Hoggaamiyaha maamulka SSC-Khaatuma Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye) oo saxaafada kula hadlay goor dhawayd magaalada Laascaanood ayaa ku eedeeyay maamulka Somaliland Danbiyo dagaal oo ka dhacay Deegaanadaas Sanadkii la soo dhaafay.
Firdhiye ayaa shaaca ka qaaday in madaxda Somaliland ay ka gudbiyeen dacwad ay geeyeen maxkamadda cadaaladda adduunka ee ICJ, si loogula xisaabtamo xasuuq uu sheegay inay ka gaysteen Laascaanood.
Sidoo kale waxa uu tilmaamay in maxkamadda ay aqbashay dacwadda ay gudbiyeen, ayna la wadaageen magacyada shaqsiyaadkii ka dambeeyay dhibaatadaasi.
Xafiiska Wararka Muqdisho