Wararka ka imanaya saakay deegaanka Xinlabi ee Gobalka Mudug ayaa sheegaya in xalay halkaas uu isku soo dhiibay Horjooge wayn oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab oo lagu magacaabo Ismaaciil Xasan Cali
Wararka ayaa sheegaya in Horjoogahan isa soo dhiibay uu xiriir la soo sameeyey saraakiisha ciidanka deegaanka, sii uu dowladda isugu dhiibo, ayada oo ugu dambeyn maanta lagu wareejiyay ciidanka hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugida Qaranka ee NISA.
Ninkaan ayaa waxaa la marsiin doona habraaca loo diyaariyey xubnaha isa soo dhiiba ee ka soo hara fikirka guracan ee kooxda Al-Shabaab, waxaana hadda gacanta ku haya hay’adda NISA, qeybteeda Galmudug.
Sidoo kale Shalay ayey aheyd markii NISA ay soo bandhigtay Shabaab badan oo kasoo goostay kooxda, xilli ay wajahayaan guluf dagaal oo ka dhan ah, ayna iska kaashanayan ciidamada geesiyaasha iyo shacabka hubeysan.
Xafiiska wararka Muqdisho