October 5, 2024

Horyaalka Ingiriiska ee Premier League ayaa todobaadkan noqday xarigmar, ka dib markii labadii koox ee hoggaanka isku haystay ee Liverpool iyo Manchester city ay isku ag dhaceen.

Koox walba waxay la hoyatay hal dhibic kadib ciyaar ka dhacday garoonka Anfields.

Natiijada barbardhaca ah waxaa ilbaad ka heshay kooxda Arsenal oo waxay soo taagtaagsataba hadda hoggaanka ku haysa gool tirsi.

Waxaan meel aan sidaas uga sii fogeyn kooxda horyaalka difaacaneysa ee Manchester City oo hal dhibic oo qura lagu hoggaaminayo.

Horyaalka Ingiriiska oo la ciyaarey 28 kulan, waa markii ugu horreysey ee isagoo heerkan jooga sidaas la isugu dheggen yahay tan iyo 2014. Taas oo micnaheedu yahay horyaalka waxaa qaadi kara mid kasta oo 3-dan ka mid ah.

Arsenal oo kooxahan ugu hamuun daran waxaa horyaalka ugu dmabeeyey muddo 20 sano laga joogo. Waxayna dooneysa in ay koobka hantiso xilli ciyaareedkan

Xafiiska wararka Muqdisho

 

Leave a Reply