Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka Wakiilada Mareykanka ayaa taageertay Doorashadii Daraad ka dhacday Magaalada Garowe ee lagu doortay madaxweyne Saciid Cabdulaahi Deni.
Ilhaan Cumar ayaa madaxweynaha cusub ee Puntland ugu hambalyeysay guusha uu ka gaaray doorashada, taas oo dhaxal-siisay inuu sii hoggaamiyo maamulka.
“Hambalyo Madaxweyne Saciid Deni oo dib u doortay. Waxay marag madoon u tahay hogaamintaada inaad noqoto madaxwaynihii ugu horeeyay Puntland ee mar labaad ku guulaysta doorashada” ayay ku tiri war qoraal ah oo ay soo saaray Ilhaan Cumar.,
Sidoo kale waxay u rajeysay guul iyo inuu wax badan ka qabto Puntland 5-ta sano ee soo socota, si loo gaaro horumar iyo barwaaqo.
Office Nairobi Kenya