Wareerinta ama is-daba-marinta maskaxda ama su’aalo maskaxdaada qasaya oo lagu weydiiyo. Hadafka laga leeyahay ayaa ah si aad u billowdo inaad naftaada su’aalo weydiiso oo aad ka shakido waxa dhabta ah. Dadka ciyaartan ciyaara inta badan waxay u sameeyaan ulakac, iyaga oo ujeeddadoodu tahay inay helaan waxa ay rabaan.
Dr. Cortney S. Warren, oo ah gabar cilmi-nafsiga ka baratay Jaamacadda Harvard, ee dalka Mareykanka ayaa sharraxeysa in mararka qaarkood aan sidaa samayno annaga oo aan xitaa ogeyn in sidaas sameyneyno.
Qaybta ugu dhibka badan ee ciyaartan ayaa ah inaadan xitaa dareemin inay dhacayso. Calaamadda aad ku garaneyso ayaa ah in aad dareemeysa yaab ama hubanti la’aan marka qof wax ku yiraahdo, sida in aadan hubin in aad si sax ah u fakareyso in kale.
BBC
Xafiiska Wararka Muqdisho