March 25, 2025

Wararka ka imaanaya Muqdisho ayaa sheegaya in maanta Mid ka mida Nabadoonada Soomaaliyeed  xilka laga qaaday kulan ay yeesheen Beeshaasi.

Wararka ayaa sheegaya in Nabadoonkan lagu magacaabo Maxamed Cabdi Shide, waaxa uuna  Nabadoon u ahaa Jufada Absuge oo ka tirsan Beesha Waceysle, waxaana lagu eedeeyay inuu ka  gaabiyay abaabulka dagaalada ka dhanka ah Alshabab ee dib u xoreynta deegaanada beeshaasi.

Sidoo kale waxaa lagu eedeeyay inuusan waxba ka qaban shaqooyinkii Nabadoonimo ee reerka uu u hayay islamarkaana shirar lagula xisaabtami lahaa oo dhowr mar lagu balamiyay uu ka baaqday.

Maxamed Cabdi Shide  waxaa lagu eedeeyay inuu keeni waayay ilaa 13 diyo oo beesha ka maqan,waxay shirka kaga dhawaaqeen inay Nabadoon Maxamed Cabdi Shide   kaga dhamaatay hogaaminta beesha, waxaa ka mid ahaa dadkii ka qeyb galay kulankaas  Xildhibaan Maxamed Cajiib oo sidoo kalana ah Milkiilaha Dalsan Radio

Office Nairobi Kenya

 

 

 

 

Leave a Reply