April 25, 2025

 

Wararka ka imaanaya dekedda wayn ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in halkaas lagu qabtay 7 konteenar oo siday raashin dhacay.

Warbixin kasoo baxday hay’adda  Taya-dhowrka dalka.  Ayaa lagu sheegay in maraakiibta la qabtay ay sideen bur dhacay oo lasoo gelin rabay Muqdisho.

Hay’adda ayaa shaaca ka qaaday in burkan ay ganacsato Soomaaliyeed kasoo iibsadeen dalka Turkiga, isla markaana ay doonayeen inay soo galiyaan suuqyada, si loo sii iibiyo.

Sidoo kale waxa ay intaasi burka la qabtay ay  bishaan March ku xusan tahay waqtiga uu dhici lahaa, ayna ka hortageen in la geeyo suuqda ku yaalla magaalada Muqdisho.

 

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Leave a Reply