January 25, 2025

Safriika Koonfur Afrika u fadhiya dalka Holland, Vusimuzi Madonsela ayaa ka sheegay Maxkamda ugu saraysa Qaramada Midoobay ee fadhigeedu yahay Magaalada Hague in Israa’iil ay ka dhaqangalinayso dhulka reer falastiin wax ka xun midab takorka ee dalkiisa jiray.

Dalalka Koonfur Afrika iyo Netherland ayaa ka mid ah dalalka ka hadlaya Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda,

Isniintii, wakiilada falastiiniyiinta ayaa waydiistay garsoorayaasha inay ku dhawaaqaan inay tahay mid sharci dara qabsashada Israa’iil ee dhulkooda. waxay sheegen in haddii talaabadaas la qaado ay gacan ka geysan karto labo dowladeed iyo nabad waarta.

Israa’iil ma aqoonsana awoodda maxkamadda wixii ka danbeeyey dagaalkii ka qarxay Qasa bilowgii bishii Oktoobar sanadkii hore.

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Leave a Reply