Kooxda Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka lagu qaaday markabka saliidda qaada ee POLLUX oo Ingiriisku leeyahay, kaas oo marayay badda cas.

Afhayeenka milateriga ee kooxda Xuuthiyiinta, Sarreeye Guuto Yaxye Saree, ayaa sheegay in howlgalka ay fuliyeen “tiro badan oo gantaallada badda ah oo ku habboon,” isagoo xaqiijiyay in markabka si toos ah loo garaacay.

Sarie waxa uu ku celceliyay ballan qaadka kooxda ee ah in ay “sii wadi doonto ka hortagga marin-badeedka Israa’iil illaa ay joojiso gardarrada ka dhanka ah Qasa,” iyo in kooxdu “aysan ka labalabayn doonin” in ay ballaariso hawlaheeda.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa Jimcihii ku dhawaaqday in markabka Pollux, oo uu ka babanayay calanka Panama, islamarkaana siday saliid ceyriin oo ku sii jeeday Hindiya, uu gantaal ku dhacay.

Xuuthiyiinta ayaa tan iyo bartamihii bishii November weeraro isdaba joog ah ku qaadayay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaalaha maraakiibta ganacsiga caalamiga ah ee ku sugan badda cas iyo gacanka Bab al-Mandab.

Office Nairobi Kenya

Leave a Reply