Ku dhawaad 150,000 oo qof ayaa iska diiwaan galiyay shaqada milatariga ee dalka Mozambique ilaa sanadkan.
Waxay isugu jiraan 96,741 rag ah iyo 52,481, iyadoo la filayo in hawsha diiwaangelintu ay sii socoto illaa dhammaadka bisha.
Askar qorista waa ku qasab dadka da’doodu u dhaxayso 18 iyo 35 ee Mozambique. Waxay hore ugu qasbanaan jireen in ay laba sano ciidan aahadaan,m haddase waxaa laga dhigay shan sano.
Kuwa isdiiwaangeliyay waxaa loogu yeeraa adeeg kaliya haddii ay ku guuleystaan fayoobida iyo imtixaannada kale.
Dhalinyaro badan ayaan dhib ku qabin isdiiwaan galinta. Waxay u arkaan in ciidanku yahay il shaqo. Waxa kale oo ay og yihiin in haddii aanay is-diiwaangelin aanay wax ka baran karin jaamacadaha dawladda, maadaama ay shuruud u tahay gelitaanka jaamacadda. Waxa kale oo ay shuruud u tahay in shaqo laga helo dawladda ama shirkadaha dawladda.
Si kastaba ha ahaatee, qaar ka mid ah askarta la qoray ayaa ka walaacsan in tababarkooda kaddib loo diri karo jiidaha hore ee dagaalka lagula jiro kooxaha Islaamiyiinta ah ee ku sugan waqooyiga gobolka Cabo Delgado.
Office Nairobi Kenya