Ambassador Redwan Xuseen, oo ah La-taliyaha dhanka Ammaanka ee Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed, ayaa u sheegay u-qaybsanayaasha militariga iyo wakiillada saaxiibada caalamiga ah ee fadhigoodu yahay Addis Abeba in dadaalka Itoobiya ee lagu xaqiijinayo gelitaanka badda Cas uusan ahayn arrin “raaxo ah balse ay tahay badbaado”.
Bayaan kasoo baxay kulanka oo khamiistii lasoo dhigay barahabulshada ee wakaaladda wararka ee Itoobiya ENA ayaa lagu sheegay in Itoobiya ay leedahay 120 milyan oo dad ah isla markaana aysan diyaar u ahayn “in ay wajahdo dhibaato badeed”.
Kulanka ayaa lagu sheegay in wakiilada lagu war galinayey xaaladda amni ee dalkan muranku soo dhex galay Soomaaliya.
Office Nairobi Kenya