Maamul goboleedka Puntland ayaa dalbaday in lagusoo wareejiyo burcad badeeddii ay gacanta ku dhigeen ciidamada badda ee dalka Hindiya, si loogu maxkamadeeyo gudaha degaanada Puntland.
Sii hayaha wasiirka dekedaha Puntland, Axmed Yaasiin Saalax ayaa sheegay in ay dowladda Hindiya kala hadli doonaan sidii ay gacanta ugusoo galin lahayd burcad badeeddii laga soo furtay markabka MV Ruen.
Raggan oo tiradoodu gaarayso 35 nin ayay ciidamada Hindiya gacanta ku dhigeen markii ay weerareen markabka MV Ruen ee burcad badeeda afduubka u haysteen tan iyo bishii December ee 2023.
Sidoo kale Ciidamada Kumaandooska Hindiya ayaa ku qasbay burcad badeeda in ay isa soo dhiibaan, waxaana sidoo kale la badbaadiyay shaqaalihii la socday markabka Ruen ee la afduubtay oo watay calanka Malta, iyadoo aan wax dhaawac ah soo gaarin.
Xafiiska Wararka Muqdisho.