September 12, 2024

Maamul goboleedka Puntland  oo saacado kadib si  cad u diiday ka qayb-galka shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee uu iclaamiyay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud shalay oo talaado ahayd.

Shirkaan ayaa la iclaamiyay shalay waxaana lagu waday in uu magaalada Muqdisho ka dhaco inta u dhexeyso 20 illaa 21-ka bishan April ee sanadka 2024-ka.

Wasiirka warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir oo wareysi siiyay Shabelle ayaa Tv ayaa xaqiijiyay in Puntland aysan ka qayb geli doonin shirkaas, welina uu halkiisii yahay go’aankii ay xiriirka ugu jareen dowladda dhexe.

Sidoo kale wuxuu mar kale ku celiyay in aysan aqoonsaneyn dowlad rasmi ah oo hadda ka jirta dalka, wuxuuna ku eedeeyay Xasan Sheekh inuu meesha ka saaray dastuurkii heshiiska lagu wada joogay.

Puntlabd ayaa sidoo kale shuruud ku xirtay ka qaybgalka shirka, waxayna sheegtay in wax weliba ay ka horreeyaan in marka hore lagu soo noqdo xeyndaabka dowladnimada.

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Leave a Reply