September 12, 2024

Warsaxaafadeed kasoo baxay Mamulka Hargaysa ee la magac baxay Somaliland ayaa eedayn iyo dhaleecayn u jeedisay warmurtiyeedkii kasoo baxay wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka G7″.

Warkan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland ayaa lagu sheegay in dalalka G7 ay “Somaliland ku tilmaameen gobol ka mid ah Soomaaliya.”

Maamulka Muuse Biixi ee Somaliland ayaa sheegtay inay  ka xumaatay “luqadda loo adeegsaday warmurtiyeedkaas ka soo baxay dawladaha G7 oo lagu sheegay in maamulka Gobolada Waqooyi uu ka tirsan yahay dalka Soomaaliya.

 Sidoo kale War-saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Arimaha Dibadda ee Soomaaliya shalay  ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay soo dhaweyneyso warmurtiyeedkii kasoo baxay dalalka G7.

War-saxaafdeedka ayaa lagu sheegay “Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka ka soo baxay Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda G7 ee ku qabsoomay Jasiiradda Capri ee dalka Talyaaniga intii u dhexeysay 16-19 bishan April.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Leave a Reply