October 5, 2024

Maamulka Puntland ayaa ka jawaabay go’aanka ay maanta soo saartay dowladda federalka Soomaaliya ee lagu xirayo qunsuliyadda Ethiopia ee Puntland.

Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Ceydiid oo u waramay idaacadda VOA ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku guul-dareysatay inay sugto amniga muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool caasimada Muqdisho.

Wuxuu sheegay in Puntland aysan aqoonsaneyn dowladda federaalka, isla markaana amaradeeda aysan ka dhaqan geli doonin gudaha Puntland ilaa inta laga helayo dowlad u dhaxeysa dadka.

Sidoo kale Wasiir ayaa si gaar ah u eedeeyey madaxweyne Xasan Sheekh “Dowladda Federaalka waxaa kagu ilaaliyaa Muqdisho wax kasta oo adeeg dowladeed ah ayey ku guul-dareysatay, argagixisadii ay ka saari weysay dalka, marka Puntland waa isku filan tahay, inay ku soo gudubtana waa ka badbadis, Xasan ma xiri karo qunsuliyadaha Garowe iyo Hargeysa,” ayuu yiri Maxamuud Ceydiid.

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Leave a Reply